Baro Erayo Jaceyl Oo Xul ah gaar ahaan kuwo romantic ah

Sida loo oo qoro erayo jaceyl oo xul ah

Marka hore ku soo dhawoow erayo jaceyl gaar ahaan erayo jaceyl oo xul ah. Marka xigta boggeena Cishqi.com kama heleysid erayo jaceyl ah oo kaliya ee waxaad ka heleysaa kuwo romantic ah iyo wax walbaa oo ku saabsan  arimaha jaceylka.

Waxaa laga yaabaa inaad qof si dhab ah u jeclaatay laakin aadan aqoonin erayo romantic ah oo aad ku cabiri karto dareenkaasi si, aad ugu sheegato qofkaasi jaceylka aad u heyso.

Haddi aan nahay dhalinyaro waxaan jecelnahay had iyo jeer wixii aan jeclaano inaan horay ka helno taasina wax caadi ah. Waxaan isku dayeynaa inaan Google ka ka helno erayo jaceyl oo xul ah, sida kuwo romantic ah laakin horay kama heleyno kuwa saxda ah ee aan raadineyno. 

Akhristayaal fara badan oo hadda ku xiran Cishqi.net, waxa ay inoo sheegeen iney adkeyd iney helaan bog nuucaan oo kale ah oo ay ka heli karan arimaha jaceylka iyo Guurka.

Su’aalaha ugu badan ee akhristayaasheena na soo weydiiyaan waxay ahayd, Sidee ku soo booqan karaa toos bogaan, tusaale markaan rabo inaan akhristo kaliya erayo jaceyl oo xul ah kuwii ugu dambeeyay?

Jawaabta Qoreyaasheena

Akhristaha markuu ku qoro Google ka Cishqi.net wuxuu toos u imaanayaa boggeena, kadibna wuxuu gujinayaa linkiga ay ku qoran tahay Erayo jaceyl, kadibna halkaan ayuu imaanayo oo uu ka akhrisan karaa erayadii ugu dambeeyay.

Erayo jaceyl oo gaaban gaar ahaan kuwo romantic ah

Sida ay indhaheyga u jecel yihiin iney daawadaan muuqaalkaaga ayuu qalbigeyguna u jecel yahey xusuustaada iyo inaad mar walbaa ku dhex jirto.

Halheyskeyga waa magacaada mana garan karo sababtaasi laakiin waxaan ogahey inaa noolaha kuu jeclahey.

Anigoo dhul oomane ah socda misana heysan wax biyo ah hadaan xusuusto jaceylkaad I siisey dhab ahaan waxaan iloobaa haraadka waxaana gala jawi farxadeed.

Macaanto ma lihid saluug mana tihid sida noolaha oo kale waxaan aaminsanahey inaad wax dheertahey dhamaan aadanaha.

Ismaan laheyn Dunidaan ayaa jaceyl kugu soo marayaa jaceylkana waxaanba ka aaminsanaa wax khiyaali ah laakiin intuu I haleeley ayuu sare ila tagey waayo adigaan ku jeclaaday oo jaceylkii aan Khiyaaliga ka aaminsanaa ayaa weerar igu soo qaadey qalbigeyguna ma habsaaminee wuxuu jeclaadey qalbi u qalma jaceylka.


Sida dhibicda roobka ayaan kuu dhowrayaa oo sida ilma yaroo dhallaan ah ayaan kuu ilaaliyaa ee macaan adigoo soo jeeda ii dheh waan ku jeclahay anna.


Dadka waxey riiyoodaan markey hurdaan oo indhaha is geliyaan laakiin aniga Aaadanaha taas waan kaga duwanahey waayo qalbigeyga asoo soo jeeda ayuu kugu riyoodaa.

 

Riyadu weey macaan badan tahay laakin waa goortee? Goor kale ma ahan ee waa goorta aan laabteyda kugu heysto.

Jaceylku wuxuu leeyahay farxad iyo reyn reyn laakin qof walbaa ma dareemi karo marka laga reebo qofka adiga sida dhabta ah kuu jecel. Aniga hadda waxaan dareemayaa farxadaasi, sow xaq uma lihi inaan ku dhaho: Waxaa tahay farxadeyda.

Fariintaan adigoo akhrinayaa wax yar indhaha isku qabo kadib aayar feyd indhaha waxaad arkeysaa anigoo kuu sida ubax casaan ah.


Midigta waxey kaashataa bidixda indhahana waxey kaashadaan ileyska si ay wax u arkaan anna waxaan kaashadaa adiga.


Waxaan kuu soo taagaya gacan Kalgaceyl ee aayar usoo qabso gacanteyda qalbigana geli sidii aanu nahey ul iyo diirkeeda kadib aayar talaabada iila qaad oo isii jaleeco Kalgaceyl waxaan kugu hogaaminayaa beerta raaxada.


Ma lihi khiyaar kale illaa aad ila joogto mana lihi awood kale oo aan wax ku jeclaado waayo qalbigeyga adiga ayaa durba camirey.

Xabiibti qalbigeyga ayaad ku camirtey jaceyl mug weyn anna waxaan kuu balan qaadayaa inaan ku siiyo Kalgaceyl hufan oo la mid ah kaaga.

Ilinta iga qubaneysaa waa jaceylkaan kuu qabo calaamadiis mana haayo sabab kale oo aan kugu dareensiiyo waayo maba jirto awood ka dhakhsi badan oo aad ku fahmi karto waxa qalbigeyga kuugu jira.