Arimaha Guurka iyo Talooyinka ugu Muhiimsan Qoyska
Arimaha Guurka iyo Raaxada Sirta Nolosha
Wax ka baro arimaha guurka iyo talooyinka ugu muhiimsan qoyska, Su’aalaha talooyinka guurka ee muhiimka ah, Sidee loo maareeyaa arimaha guurka ka hor qoyska, Waa sidee raaxada guurka iyo arimaha qoyska wanaagsan? Sida ay xuseen lamaanaha ku bahoobay jaceylka dhabta ah ayaa waxa ay sameeyeen xaflad taasoo ay ugu dabaal dagayaan sanad guuradoodii Khontonaad (50).
Arimaha Guurka iyo Raaxada Nolosha
Marwo Ababa C/silllaase iyo Ninkeeda Gabre Kiristos oo ah lamaane waayo aragnimo u leh arimaha qoyska iyo talooyinka ugu muhiimsan qoyska ayaa xafladani ku casuumay caruurtii ay dhalaan oo ah sagaal caruur ah (9 caruur ah) iyo 17 ay dhaleen carurtooda . Qoyskani kuma xeel dheero arimaha guurka oo kaliya ee waxa ay sidoo kale ku xeel dheeryihiin jaceylka dhabta ah.
Waa maxay sababta ka dambeysay in ay halkaan soo gaaraan
Lamaanahani ayaa sheegay in guurkoodu ay sabab u tahay inuu halkaan soo gaaro samir iyo dulqaad fara badan oo ay isu sameeyeen. Waxayna sidoo kale sheegeen in lamaanuhu uu qalad ka dhacayo balse ay muhiim tahay in qaladaadkoodu ay xaliyaan. Ma jiro qof aan qaldamin mana jiro reer uusan qalad ka dhicin laakin waxaa muhiim ah in la ilaaliyo qaladaadka dhaco inta badan. Ka hor inta uusan qalad dhicin waxaa fiican inaa sameyso talooyinka ugu muhiimsan guurka.
Qaladaadka Guurka iyo qoyska wada nool
Waxaa beryahani soo badanayo qoysas wada nool hadana aanan ka hadli Karin arimaha qoyska, sida raaxada galmada, iyo dhibaatooyinka inta badan dhaco. Taasna waxaa sabab u ah guurkooda iyo in aysan aqoon buuxda ka haysanin arimaha qoyska. Ka hor guurka waxaa fiican in lamaanuhu ay si fiican isu bartaan laakin haddii guurka la dedejiyo waxaa imaan kara burbur aad u xoogan misana keenayo niyad jab iyo kala tag.
Arimaha Guurka iyo waxa khatarta ku ah
Markii la is guursanayo waxaa fiican in la sameeyo jacayl ku saleysan waarid. Laakin haddii jaceylkaasi salkiisu ahaa dano gaar ah oo ayssan mid dhaba h, waxaa dhaceyso inuu si dhaqso ah ku burburo. Ka hor guurka waxaa fiican in lamaanuhu ay si wanaagsan isu bartaan wax badanne ka ogaadan arimaha guurka iyo jaceylka dhabta ah iyo waxyaabaha burburiyo.
Qish: Halkaan kaga bogo arimaha jaceylka
Su’aalaha ugu muhiimsan arimaha guurka
Arimaha qoyska iyo talooyinka ugu muhiimsan guurka, Inta aadan guursan waxaa fiican inaad isweydiiso su’aalahaan soo socdo. Sabab? Sababtoo ah waxaad baraneysaa casharo fara badan oo ku saabsan arimaha guurka, waxaana kuu suurtoobayo inaad yareyso ama aad hakiso qalaadka ugu badan ee dhaca. Hadaba waa maxay Su’aalaha guurka ka hor la isweydiiyo?
- Waa maxay erayga guur?
- Qofka aan guursanayo waa qof nuucee?
- Sidee qoyska loo hagaa?
- Maxaan ka wada siman nahay aniga iyo lamaanaheyga?
- Ma yahay ruuxa aan doonayay inaan nolosheyda ku dhameysto?
- Qoys nuucee ah ayaan rabnaa inaan dhisano?
- Waa maxay waajibaadka ina saaran?
- Waa maxay hadafka guurkeena?
Markii aad isweydiiso su’aalahani waxaa kuu sahlanaayo inaad hesho qofka riyadaada ah. Hadaad ka fikirto maanta waxaad seegeysaa berito. Sidaa darteed ka fiirso qofka aad guursaneyso ama aad rabto inaad nolosha la wadaagto.