Arimaha Jaceylka Kuwa ugu xiisaha badan

Arimaha Jaceylka iyo waxtarka nolosha

Arimaha jaceylka, waa maxay jaceylka, sidee jaceyl qof loogu abuuro, su,aalahaasi iyo suaalo kale oo ku saabsan arimaha jaceylka kala soco boggeena cishqi, Somali Blog.

Airmaha jaceylka Kuwa ugu xiisaha badan

Markaad dhalinyaro tahay waxaad xiiseyneysaa inaad wax ka ogaato arimaha jaceylka gaar ahaan kuwa shukaansiga. Sabab? Sababtoo ah waxaad jeclaaneysaa inaad sameysid nolol. Markii aad rabto inaad sameysato lamaane waxaad u baahan tahay inaad  hesho qof, qofkaasoo aad dooneyso inaad nolosha la wadaagto.

Dadkii hore Iyo dadka maanta

Waagii hore dadka ma xiiseyn Jirin jaceylka, why? Waayoo ninka raga ah markuu ka helo gabar waxa uu u tagi jiray reerkeeda, waana loo guurin jiray. Haddii ay raali ku tahay iyo haddii kale waxa la dhihi jiray ninkaan ayaa ku soo doontay, waana kula jeclaanay inaan kuu guurino.

Arimaha Jaceylka iyo dadka hadda

Jiilka cusub ee hadda jiro waa kuwo ka duwan jiilkii hore. Waxa ay rabaan wax walbaa in ay ku dhisnaadaan jaceyl iyo farxad. Waxa ay aaminsanyihiin in noloshu aysan dhadhan lahayn jaceyl la,aantii. Sidaa darteed ayeeyna u xiiseeyaan in wax kala socdaan maqaalada jaceylka ah kuwa ugu xiisaha badan.

Qishj: Qormooyin ku saabsan arimaha guurka

Arimaha jaceylka iyo shukaansiga

Markaad rabto inaad wax shukaansato kaliya uma baahnid erayo jaceyl ah oo kaliya ee waxaad u baahantahay inaad taqaano sida loo soo jiito qofka, sheekooyin iyo hadalo kaftan ah. 

Ka soo qabo waxaad isbarateen gabar/wiil Somali ah, isbarasho kadib waxaad go,aansateen inaad xiriir sameysaan kadibna aad kulantaan. Waad isa soo hor fadhisateen, suaashu waxay tahay maxaad u sheegeysaa lamaanahaaga?

Markaadan  jaceylka dhabta ah waxba ka aqoonin waxaa kugu adkaanayo shukaansiga, kaftanka iyo sheekada. Hadaba boggeena waxaad kala socan doontaa dhacdooyinka aduunka, kalmadaha jaceylka, erayada shukaansiga ah iyo sida loo soo jiito lamaanahaaga iwm.

Qish: Baro sida loo muujiyo jaceylka xaaskaaga

Kalmadaha jaceylka    

Halkani sidoo kale waxaan kugula wadaagi doonaa kalmadaha jaceylka gaar ahaan kuwa qalbiga taabanayo. Bogeena Cishqi Somali Website wuxuu kaa saacidi doonaa baahida ah inaad wax ka ogaato wax kastaa oo ku saabsan jaceylka iyo shukaansiga maanta. Hadaba ku soo dhawoow boggeena.

Talo iyo Su’aalo

Haddiii aad qabto su’aalo ku saabsan Jaceylka waxaad xaq u leedahay inaad nala soo xiriirto waxaana kaa caawi doono Cishqi Team. La xiriir Teamka

5 thoughts on “Arimaha Jaceylka”

  1. Jaceylku qabyoobi maayo, nasiibku qaloocan maayo, dadaalku khasaari maayo, wixii aan kuu qalmeyn aniga kuu quuri maayo. Habeen wanaasan babe

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Translate »